Shirka cardif ee fifa iyo ifab oo lagu soo qaadi doono xaaladihii ugu dambeeyay ee ka2010 iyo muranka kamaradaha


Hay’adaha Fifa iyo IFAB ayaa isugu imanaya shir soconaya labo malmood oo lagu qabanayo magaalada Cardiff bishan lulyo 21-22da ee 2010, kulanklan oo looga wada hadlayo sidii loo saxi khaladaadkii KA 2010 iyo kamaradaha galaaftay labadii garsoore ee adduunka ugu fiicnaa Garsoore Jorge Larrionda (Uruguay) iyo Roberto Rosi ( italy) iyo arimo badan oo la xiriira ciyaaraha, shirkan oo ay ka qaybqaadanayan Fifa iyo xubnaha joogtada ah ee ugu muhiimsan Miiska xiriirka Caalamiga ee kubbada Cagta ( International Fooball Association Board) sida: England, Scothland, Wales iyo North Ireland. oo midkastaba uu leeyahy 1COD(1Vote) oo buuxa , ahna wadamada inta badan leh awooda sharciyada iyo xeerka iyo xeerinta ciyaaraha kubbad cagta.
Madaxwaynaha hay’ada Fifa, Joseph Blatter, ayaa ka dhawaajiyay, waayo aragnimo noogu filan wixii aan kala kulanay ciyaaraha K.A 2010, laakiin ma ahan in aanu wakhti isaga lumino oon aan ka fakirno.

Argtida Aqoonyahada Farsamada Casriga iyo Aragtida FIFA
1).Aqoonyahanada Farsamada casriga ayaa soo bandhigay labo fikradood oo odhanaya in biraha (baalaha ) goolka lagu xidho labo kamaradood oo calan-wada-yaashu ( lines-men) ay dhexda ku xidhaan shaashad yar ( mini-display) uu ka daalacdo muqaal bayaamin kara natiijada goolka gudihiisa iyo goolasha muranku ka dhasho , sidoo kale waa in garsooraha afraad ee miiska isagana la siiyo shaashada yar ( Mini-display) oo la mid ah taas aan kor ku xusnay .

2). Waa in labada birood (baale) ee goolasha dhica gudaha iyo xariijinta (Liinka) goolka dushiisa lagu rakibo aalada isha ( Sensor ) oo dareema humaaga kala dhex-mara labo walxood, ama dulmara liinka oo looga faa’iidaysto iftiinka loo yaqaano(infrared), hadii kubbadu lagu rakibo Chip oo ay liinka goolka ka gudubto, kaas oo akhriyi kara chipka ku jira kubbada

Hadaba aragtida Fifa oo soo dhowaysay fikrada Aqoonyahanada hadana waxaa ka biyo diiday waaxdooda sharci dejinta iyagoo cudur-daar uga dhigay in aan wakhti loo hayn fikradan, in ciyaarta la joojiyo oo lagu noqdo muqaalka kamarada, inkastoo ay raaligalin ka baxsheen, hadana waan soo dhawaynaynaa ayay yidhaahdeen fikradan cusub si aqoontu u socoto ,hay’ada ciyaarahu waxay kaloo ay cadaysay in aan waxba laga badalayn sharcigii hore ee u yaalay ciyaar-dhaafka ( offside) oo la rabay in wax laga badalo, sidoo kalena waxba lagama badalayo cabirka garoomada .

Sharciga 1aad ee cabirka garoomada iyo xariijimaha garoonka ( liinka )
Sharciga ciyaaraha gudaha ( National )
Dhererka: ugu yaraan 90metre / ugu badnaan 120Metre
Balaca :ugu yaraan 45metre / ugu badnaan 90metre
Sharciga Ciyaaraha Dibeda (international)
Dhererka: ugu yaraan 100metre / ugu badnaan 110mettre
Balaca :ugu yaraan 64metre / ugu badnaan 75mette

Inagoo ogsoon in kamaraduhu hadaba ay ku xidhanyihiin goolasha , laakiin xeerka kamamaradaha lagu xidho doono goolasha koobka Adduunka 2014 ee Brazil ay marti galinayso sharcigee la waafajin doonaa, mar sharciga 9aad ee ciyaaraha ee khuseeya liinka garoonka marka kubbadu gasho garoonka ama ka baxdo ( in and out), mise sharciga 10aad ee goolasha dhasha ( dhashay) ee natiijada ciyaarta ( ciyaaraha) ?

Fiiro Gaara: kaftanka wariyayaasha ciyaaraha qaarkood ee soo tabiya ciyaaraha waxay goolasha kamaruduhu fashileen ay ugu magacdareen , Madaxweynaha Fifa Mr: Blatter iyagoo loo baxshay goolasha Blatter ( Blatters Goal )

Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi )
[email protected]

number of view: 36

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *